DEGDEG: Guddoomiyaha Degmada Bosaso, Cabdifataax Shanle, oo Is Casilay Kadib Cadaadis Ka Yimid Xildhibaanada Golaha Deegaanka

0
28

War degdeg ah oo goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Degmada Bosaso, Cabdifataax Shanle, uu si rasmi ah isugu casilay xilka, kadib cadaadis xoogan oo muddooyinkii dambe kaga imaanayay xildhibaanada golaha deegaanka ee degmadaas.

Is-casilaadda ayaa timid xilli uu hoolka shirarka ka socdo kalfadhiga 36-aad ee golaha deegaanka Bosaso, halkaas oo uu mooshin siyaasadeed oo lagaga soo horjeeday guddoomiyaha uu si weyn uga taagnaa. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa RNN Somali TV u xaqiijiyay in Cabdifataax Shanle uu warqadda is-casilaadda u gudbiyay golaha, isagoo sheegay in uu “danta deegaanka” u tanaasulay.

Xildhibaanada golaha deegaanka ayaa dhowaan bilaabay olole siyaasadeed oo mooshin ah, iyagoo ku eedeynayay guddoomiyaha in uu si xad dhaaf ah u maamulayay awoodaha maamulka, islamarkaana uu ku guuldarreystay arrimo la xiriira horumarinta, maaliyadda, iyo wada-shaqeynta golaha.

Is-casilaadda Cabdifataax Shanle ayaa ah tallaabo siyaasadeed oo culus oo ku cusub degmada Bosaso, waxayna noqonaysaa dhacdo si weyn u saameyn doonta jihada maamulka ee magaaladaasi oo ah xarunta ganacsiga ugu weyn Puntland.

Waxaa la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo ku-simaha guddoomiyaha ama in la guda galo doorasho cusub oo lagu buuxinayo booska baneeyay Shanle.

RNN Somali TV waxay si joogto ah idiinla socodsiin doontaa wararka cusub ee arrintan la xiriira.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here