Dagaalkii Ugu Cuslaa oo u Dhexeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Deegaanka oo ka Socda Duleedka Degmada Moqokori, Gobolka Hiiraan

0
16

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu weli ka socdo duleedka degmada Moqokori, halkaas oo ay isku hayaan xoogagga Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda oo garab ka helaya ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday saaka waaberigii, kaddib markii Al-Shabaab weerar ku qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamada deegaanka. Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaalku wuxuu ahaa mid culus oo hubka culus iyo kuwa fududba la isku adeegsaday, waxaana laga maqlayaa dhawaqa rasaasta iyo qaraxyada meelaha u dhow goobta dagaalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Moqokori ayaa RNN Somali TV u sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan xeelado dagaal oo culus, iyadoo weli aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka. Hase yeeshee, wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba soo kala gaaray.

Dadka deegaanka ayaa cabsi xooggan ka muujinaya dagaalka socda, iyagoo sheegay in qaar badan oo ka mid ah qoysaska ku nool tuulooyinka u dhow Moqokori ay bilaabeen inay barakacaan.

Ciidamada deegaanka ayaa maalmahan dambe waday howlgallo ay ku doonayaan in ay Al-Shabaab uga saaraan deegaannada hoos taga degmada Moqokori, iyadoo dagaalkan maanta uu yahay kii ugu culus ee ka dhaca halkaas muddooyinkii ugu dambeeyay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here