Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxday kulankii Madaxweynaha iyo Golaha Samatabixinta

0
34

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulankii xalay ka dhacay Madaxtooyada, kaasoo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta Qaranka. Sida ay ilo xog-ogaal ah sheegayaan, kulankaasi ayaa ahaa mid ad-adag oo muran badan uu hareeyay, kadib markii Golaha Samatabixinta ay madaxweynaha hordhigeen qodobo muhiim ah oo ay doonayeen in xal deg-deg ah laga gaaro.

Qodobada ay Golaha Samatabixinta u gudbiyeen Madaxweynaha waxaa kamid ahaa:

• In si loo abuuro jawi wada-shaqeyn iyo niyad-wanaag, laga qaado xayiraadda duulimaadyada saaran magaalooyinka Jubbaland.

• In dib loogu noqdo afarta cutub ee Dastuurka KMG ah ee dhawaan wax laga bedelay, taasoo ay goluhu ku tilmaameen mid halis gelin karta midnimada iyo wadajirka dalka.

Sida laga soo xigtay ilo kulanka ka ag dhow, Madaxweynaha ayaa markii uu helay qodobadaasi, si weyn uga biyo-diiday. Mudo dhowr daqiiqo ah ayuu madaxweynuhu aamusnaa, waxaana la tilmaamay in hadalkii halkaas ka socday uu noqday mid aan jihadiisu caddayn, iyadoo kulanka uu galay marxalad qalafsan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida wararku sheegayaan, ma bixin wax cudurdaar ah oo ku saabsan xayiraadaha weli saaran garoomada Jubbaland. Intaas waxaa dheer, waxa uu si adag ugu adkeystay mowqifkiisa ku aaddan wax-ka-beddelka dastuurka, isagoo sheegay in aan waxba laga bedelin qodobbadii la sheegay.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo xiisado siyaasadeed ay wali ka taagan yihiin arrimaha dastuurka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here