Ciidanka Macaawisleyda oo Dilay Laba Horjooge oo Ka Tirsanaa Al-Shabaab Howlgal ka Dhacay Guullane, Shabeellaha Dhexe

0
44

Ciidanka deegaanka ee Xaq u Dirirka Macaawisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ku dilay laba horjooge oo sare iyo dagaalyahanno kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, deegaanka Guullane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo beegsaday ayaa lagu xaqiijiyay in lagu dilay:

• Cali Xabad – horjooge caan ka ahaa gobolka, kaas oo kaalin weyn ku lahaa hagidda weerarrada argagixisanimo,

• Maxamed Cadow – horjooge kale oo si dhow ula shaqeyn jiray madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Intaa waxaa dheer, waxaa howlgalka lagu dilay tiro kale oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee la socday horjoogeyaashaasi.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu ka mid yahay dadaallada isdaba joogga ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, loona jeedo in laga xoreeyo gobolka dhammaan xubnaha argagixisada ah ee dhibta ku haya shacabka.

Ciidanka Macaawisleyda ayaa mar kale muujiyay geesinimo iyo feejignaan heer sare ah, iyaga oo kaashanaya shacabka deegaanka iyo hay’adaha amniga si ay cadowga uga dulqaadaan dhulka ay si sharci-darro ah ugu sugan yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah u bogaadineysa guulaha isdaba joogga ah ee laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la xoojiyay isku-duwidda hawlgallada u dhexeeya ciidanka deegaanka, xoogga dalka iyo hay’adaha sirdoonka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here