Bandhigga Xiritaanka Tababbarka Saraakiisha iyo Cutubyada Ciidanka Gorgor ee kasoo laabtay Turkiga

0
29

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad heer sare ah oo lagu soo xirayay tababbarka saraakiil, saraakiil-xigeeno, iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbarro militari oo casri ah kusoo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyadda Tababbarka TurkSom ee ku taalla gudaha caasimadda.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeyb galay:

• Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,

• Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin,

• Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga,

• Wakiillo ka socday Dowladda Turkiga,

• Iyo saraakiil kale oo sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku bogaadiyay ciidamada Gorgor guusha ay ka soo hooyeen tababarka, isaga oo xusay in ciidamada Gorgor ay yihiin laf-dhabarta sugidda amniga dalka, loona baahan yahay in si wadajir ah loo taageero.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin, ayaa tilmaamay in cutubyada cusub ee la tababaray ay si buuxda uga qeyb qaadan doonaan hawlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada, isagoo xusay in xiriirka milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid miro-dhal ah oo guulo la taaban karo laga gaaray.

Tababbarka ay soo qaateen saraakiishan iyo ciidamada Gorgor ayaa diiradda lagu saaray:

• Xirfadaha dagaalka casriga ah,

• Hoggaaminta ciidamada,

• La dagaallanka argagixisada,

• Iyo qorsheynta howlgallada dhulka iyo hawada.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale uga mahadcelisay Dowladda Turkiga kaalinta mugga leh ee ay ka qaadaneyso dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here