Horjooge Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Daaru-nimco

0
139

Ciidamada deegaanka ee ka howlgala deegaanka Daaru-nimco ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab.

Howlgalka oo si sirdoon iyo qorsheyn ah loo fuliyay ayaa lagu dilay horjooge sare oo kooxdaas ka tirsanaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Muxumed Axmed Guure, balse kooxda Al-Shabaab u taqaanay Xamse Faracadde.

Xamse Faracadde ayaa ahaa horjooge khatar ah oo muddo dheer ka tirsanaa Khawaarijta, wuxuuna kasoo shaqeeyay dhowr gobol oo ay ka mid yihiin Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud. Sida ay xaqiijiyeen ilo sirdoon, ninkan ayaa sidoo kale ahaa madaxa qaraxyada ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug iyo Galgaduud, isagoo si toos ah uga mas’uul ahaa abaabulka iyo fulinta weerarro badan oo argagixiso oo lagu qaaday shacabka iyo ciidamada.

Saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada gobollada dhexe ee dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here