Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa caawa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay xuska 65 sano guurada ka soo wareegtay xornimada gobollada Koonfureed iyo midowgii labada qaybood ee dalka, oo ku beegan 1-da Luulyo 1960-kii.
Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in maalintan ay leedahay muhiimad qaran oo weyn, maadaama ay astaan u tahay mideynta shacabka Soomaaliyeed iyo dhisidda dawlad Soomaaliyeed oo xor ah.
“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo – maalintii uu dalku xorriyadda buuxda helay, lana mideeyay labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. Waa maalin taariikhi ah oo aan ku xasuusanno halgankii ay bixiyeen aabayaasheenna Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka, iyo nabadda, si loogu dabaal-dego xorriyadda iyadoo dalku horumar iyo xasillooni ku tallaabsaday.
Munaasabadda 1-da Luulyo ayaa sanad walba laga xusaa guud ahaan dalka, iyadoo ay dadka Soomaaliyeed u tahay maalinta ugu weyn ee xornimada iyo isku duubnida qaranka.