Waxaa isa soo tarayso xogta ah hogaamiyaha Jubaland Ahmed Madobe markii uu saakay tegay Kismaayo uu kulan la qaatay Siyasiyiin, Waxgarad iyo Ganacsato waaweyn oo reer Jubaland ah oo sugayay safarkiisa.
Wararka laga helayo kulankan ayaa waxey sheegayaan in dood dheer kadib,Ahmed madoobe loo saaray gudi gaar ah oo arimaha cakiran si gooniya ugala hadla, waxeyna Gudigu aakhirkii ku guuleysteen inayy qadka telefoonka ku wada hadalsiiyaan MD HSM, Hmaza iyo Axmed Madoobe.
Warar hoosana waxey sheegayaan inaay suurtagal tahay in Md Ahmed Madoobe inuu maalmaha soo soocda dib ugu soo laabto Magaalad Mogadishu markii uu latashadiisa soo dhameysto si uu kulan gaar ah ula qaato MD HSM, kadibna loo sii ambaqaado shirkii Madasha Qaran.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay iney dedaalkan gacanta ugu weyn ka geysteen rag kamid ah ganacsatada waaweyn ee Jubaland oo ka yimid dhanka Nairobi, kana mid ah Raga uu Md Ahmed Madoobe sida weyn u qadariyo.