Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Dhagax-dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

0
38

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah dhagax dhigay xarunta cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, taasoo laga dhisayo magaalada Muqdisho, caasimadda dalka.

Munaasabadda dhagax-dhigga oo ay ka qayb galeen wasiirro, xildhibaanno, madax ka socota hey’adaha dowladda, iyo marti sharaf kale ayaa muujisay sida dowladda uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha wasaaradaha muhiimka ah ee taageera dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kalluumaysiga oo ah il dhaqaale oo waasac ah oo aan wali si buuxda loo maalgelin.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiso xarumo rasmi ah oo casri ah oo u sahlaya wasaaradaha in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda:

“Kalluumaysigu waa laf-dhabarta dhaqaalaha badda Soomaaliya. Dhismaha xaruntan cusub waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadeysa adeegga ay wasaaraddu u qabato bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee dalkeena,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Xaruntan ayaa lagu wadaa in ay noqoto mid ka turjumeysa nidaam dowladnimo casri ah, iyadoo ay yeelan doonto qaybaha muhiimka ah sida maamulka guud, qorsheynta iyo horumarinta kalluumaysiga, cilmi-baarista badda, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa dhankooda sheegay in xaruntani ay wax weyn ka tari doonto dadaallada dowladda ee lagu hormarinayo kalluumaysiga, ilaalinta kheyraadka badda, iyo la-dagaallanka kalluumaysiga sharci darrada ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here