Ra’iisul Wasaaraha Qatar oo Qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland

0
33

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa maanta si rasmi ah xafiiskiisa ugu qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, dadaallada nabadda iyo xasilloonida, iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeynta ee dhinacyada kala duwan.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay in Qatar ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, is-afgaradka siyaasadeed, iyo horumarka Soomaaliya oo dhan. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay in Qatar ay taageerayso midnimada iyo gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar soo dhoweynta iyo doorka ay ka qaadaneyso arrimaha geeska Afrika, isaga oo muujiyay sida Somaliland ay diyaar ugu tahay in ay ka shaqeyso nabad, horumar iyo iskaashi lala yeesho beesha caalamka.

Kulanka ayaa kusoo aadaya iyadoo uu jiro dareen sii kordhaya oo ku aaddan isbeddelada siyaasadeed ee ka socda Soomaaliya, iyadoo Qatar ay dooneyso in ay door muuqda ka ciyaarto xasilinta gobolka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here