Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah uga hortegay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo meydka Allaha u naxariistee Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Jubbaland, Marxuum Suldaan Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, oo dhawaan geeriyooday.
Madaxweynaha waxaa garoonka ku wehliyey xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo odayaal dhaqameed, kuwaasoo dhammaantood u muujiyay marxuumka tixgelin iyo qadarin weyn.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yiri:
“Waxaan weynay nin karti, waaya-aragnimo iyo xasillooni lahaa. Suldaan Cabdulqaadir wuxuu door muhiim ah ka qaatay dhismaha maamulka Jubbaland iyo mideynta bulshada. Taariikhdiisa iyo dedaalkiisa lama illoobi doono.”
Meydka marxuumka ayaa loo qaaday magaalada si loogu sameeyo aaska iyo salaadda janaasada, iyadoo lagu wado in dadweyne fara badan ay ka qeybgalaan. Calamada Jubbaland ayaa hoos loo dhigay iyada oo la muujinayo murugada qaran.
RNN Somali TV waxay tacsi u direysaa qoyska marxuumka, asxaabtiisa iyo guud ahaan shacabka Jubbaland.
📡 www.rnnsomalitv.com
📧 rnnsomalitv@gmail.com
📞 +252 611 222 246