WAR DEG-DEG AH — Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhagax-Dhigay Saldhig Dayax-Gacmeed iyo Garoon Cusub oo Muqdisho ah

0
32

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay saldhig cusub oo laga tuuro dayax-gacmeedyada (satellite launch station) iyo garoon caalami ah oo cusub oo laga hirgelinayo duleedka magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa ka dhacday meel ka baxsan magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin heer qaran ah, khubaro injineerro ah, wakiillo ka socday shirkado caalami ah, iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay mashruucan mid taariikhi ah oo Soomaaliya u horseedi kara horumar dhinaca tiknoolajiyadda iyo isku xirka caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri:

“Maanta waxaan tallaabo weyn u qaadaynaa mustaqbalka cusub ee Soomaaliya. Saldhigga dayax-gacmeedka iyo garoonka cusub waxay dalka u horseedi doonaan horumar weyn, fursado shaqo iyo xiriir caalami ah oo aan hore u heli jirnay.”

Saldhigga dayax-gacmeedka ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga hirgeliyo Geeska Afrika, taasoo Soomaaliya u suurtagelin doonta in ay ka mid noqoto dalalka tiknoolajiyadda sare ku horumaray. Dhanka kale, garoonka cusub ayaa loogu talagalay in uu noqdo xarun caalami ah oo diyaaradaha lagu qaabilo, taasoo wax weyn ka beddeli doonta xiriirka gudaha iyo kan dibedda ee caasimadda Muqdisho.

Mashruucan ayaa la filayaa in uu socdo dhowr sano, iyadoo ay jiraan heshiisyo iskaashi oo lala galay shirkado hormuud u ah dhismaha kaabeyaasha waaweyn.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here