𝐃𝐄𝐆𝐃𝐄𝐆: Duqeyn Culus oo Caawa Ka Socota Caasimadda Qatar ee Dooxa

0
320

Wararka hadda naga soo gaaraya caasimadda dalka Qatar ee Dooxa ayaa sheegaya in duqeyn culus ay caawa si toos ah ugu socoto magaalada, iyadoo ay jiraan jug xoogan iyo dhawaqa qaraxyo laga maqlayo qaybo badan oo ka mid ah magaalada.

Ilaa iyo hadda lama oga cida si toos ah uga dambeysa weerarka, hase yeeshee waxay kusoo beegmaysaa saacado un kadib markii Mareykanku ka digay suurtagalnimada weerar ay Iiraan ku qaaddo saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla gudaha Qatar, gaar ahaan saldhigga weyn ee Al-Cudeyd.

Dad goobjoogayaal ah ayaa RNN Somali TV u xaqiijiyay in qaar ka mid ah xaafadaha ku dhow garoonka diyaaradaha iyo aagga saldhigyada milatari ay ka dhaceen qaraxyo, islamarkaana ay jirto cabsi baaxad leh oo ku faaftay gudaha magaalada.

Xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo diyaarado dagaal oo dul heehaabaya hawada Dooxa.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here