Madaxweyne Xasan Sheekh oo Daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060

0
40

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060, isagoo sheegay in la joogo xilligii shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda. Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintan ay muhiim u tahay xoojinta nabadda, midnimada iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda daahfurka ayaa tilmaamay in Hiigsiga 2060 uu yahay ballan-qaad qaran oo loo sameeyay jiilasha soo socda, si ay u helaan fursad ay ku dhaxlaan dalka horumarsan oo tartan la geli kara dalalka kale ee caalamka.

“Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddo cusub oo ku saleysan horumar waara iyo karti dalnimo. Wuxuu si faahfaahsan u soo bandhigay saddexda tiir ee muhiimka u ah Hiigsiga Qaran ee 2060, kuwaasoo kala ah:

1. Midnimo Qaran iyo ilaalinta qiyamka Soomaaliyeed.

2. Xalka Soomaaliyeed oo lagu saleeyo xaqiiqooyinka gudaha.

3. Mudnaanta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibadda, in ay si firfircoon uga qeyb qaataan hirgelinta Hiigsiga Qaran ee 2060. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in guusha qorshahan ay ku xirnaan doonto dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here