Dowladda Uganda oo Shaacisay Geerida 7 Askari Dagaal Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

0
46

Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in toddobo askari oo ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ay ku dhinteen dagaal saddex maalmood socday oo lagula wareegayay deegaannada Sabiib iyo Aanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka ciidamada difaaca Uganda, Felix Kulayigye, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa yiri:

“Nasiib darro, waxaan ku weynay toddobo askari intii uu socday dagaalka.”

Warkaasi ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada AUSSOM ay dib u xoreeyeen deegaannadii ay Al-Shabaab qabsatay, taasoo la tilmaamay inay tahay guul muhiim ah oo laga gaaray howlgalkaas adag.

Howlgalka AUSSOM oo beddelay kii hore ee ATMIS, ayaa haatan leh 11,146 askari. Balse bishii Abriil ee lasoo dhaafay, AUSSOM waxay shaacisay inay u baahantahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah si ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda nabad ilaalineed ee Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here