WAR DEGDEG AH – Iran oo saaka dishay basaasiin ka tirsanaa Sirdoonka Israel

0
61

Tehran – Saaka aroortii, hay’adaha ammaanka ee dalka Iran ayaa shaaciyay in ay dileen xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Sirdoonka Israel (Mossad), kuwaas oo gudaha dalka Iran ka waday howlgallo basaasiin ah.

War kasoo baxay wakaaladaha wararka ee gudaha Iran ayaa lagu sheegay in xubnahaan la dilay ay si qarsoodi ah uga shaqeynayeen gudaha Iran, iyagoo fulinayay qorshayaal la xiriira amniga qaranka, islamarkaana lala xiriiriyay dalal shisheeye oo ay ugu horreyso Israel.

Ilaa hadda, dowladda Israel kama aysan hadlin eedeymaha iyo tallaabada Iran ku sheegtay in ay ku laayeen basaasiintaas, balse dhacdadan ayaa imaneysa xilli xiisadda u dhaxeysa labada dal ay si weyn kor ugu kacday, gaar ahaan tan iyo weeraradii ay isku beegsadeen dhowaan.

Sidoo kale, saraakiisha sirdoonka Iran ayaa sheegay in baaritaanno dheeri ah ay socdaan, lagana yaabo in xubno kale oo shabakad ah lasoo xiro toddobaadyada soo socda.

RNN Somali TV waxay si dhow ula soconaysaa dhacdadan iyo wararka kasoo kordha xiisadda u dhaxeysa Israel iyo Iran.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here