Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa la filayaa inuu toddobaadkan booqasho rasmi ah ku tago magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Booqashadaas ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la yeesho Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa xiriirkooda siyaasadeed dib u hagaajiyey toddobaadyo ka hor, waxaana kulanka la filayo inuu ka dhaco Garoowe uu noqon doono mid saameyn ku leh mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulankan ay ka soo bixi doonaan go’aanno culus oo taabanaya arrimaha siyaasadda dalka, sida dib-u-eegista dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo jihada guud ee Soomaaliya ku socoto.
Wafdi horudhac ah oo ka socda Jubbaland ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, kuwaas oo gogol xaar u ah kulamada madaxda sare ee labada maamul. Booqashadan ayaa laga rajeynayaa inay noqoto mid horseed u noqota isku soo dhawaansho siyaasadeed oo dhexmara Puntland, Jubbaland iyo dowladda dhexe, iyadoo dhinacyo badan ay u arkaan fursad muhiim ah oo lagu dhisayo mowqif mideysan oo ku aaddan marxaladda kala guurka ah ee dalka.
RNN Somali TV ayaa si dhaw ula socota booqashada iyo kulamada rasmiga ah ee socda, iyadoo wararkii ugu dambeeyay, muuqaalada iyo faallooyinka la xiriira arrintan si toos ah idiinla wadaagi doonta.
La soco RNN Somali TV – Codka Xaqiiqda Soomaaliyeed.