DEGDEG: Al-Shabaab oo Laga Saaray Deegaanka Sabiid & Caanole Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

0
50
Screenshot

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Mudane Ibraahim Aadan Cali (Najah), ayaa ku dhawaaqay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ay si buuxda uga saareen ururka Al-Shabaab deegaanka Sabiid & Caanole.

Howlgalkan oo ka dhacay galinkii hore ee maanta ayaa lagu xaqiijiyay in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab laga saaray deegaanka si nabad ah, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka deegaanka.

Guddoomiye Najah ayaa sheegay in howlgalku uu qeyb ka yahay wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xusay in ciidamada huwanta ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada lagu xoreynayo deegaannada kale ee ay weli joogaan argagixisadu.

“Sabiid & Caanole waa xor, shacabka halkaa ku noolna waa la sugayaa amnigooda, waxaana hadda la bilaabayaa dib u dejin iyo adeegyo bulshada ah,” ayuu yiri Guddoomiye Najah.

Howlgalkan guuleystay ayaa ka dhigan horumar weyn oo la taaban karo, waxaana lagu ammaanay doorka ciidamada qaranka iyo dadaalka lagu xaqiijinayo xasilloonida gobolka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here