Guddoomiye Muungaab oo Magacaabis Cusub iyo Xil Ka Qaadis Ku Sameeyay Maamulka Gobolka Banaadir

0
47

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magacaabis cusub iyo xil ka qaadis ku sameeyay mid ka mid ah waaxyaha muhiimka ah ee maamulka Gobolka.

Guddoomiye Muungaab ayaa mar kale u magacaabay Cali Macalin Xuseen (Cali Saliid) xilka Agaasimaha Waaxda Farsamada Dhulka ee Gobolka Banaadir.

Cali Saliid ayaa horey u soo qabtay xilkan, balse waxaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore Yuusuf Madaalle bishii May 2023. Hadda waxaa xilkan laga qaaday Yaasiin Nuur Ciise, oo ku fadhiyay kursigan muddo saddex sano ah, si booskaas loogu celiyo Cali Saliid.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah isbeddel degdeg ah oo Guddoomiye Muungaab ku wado maamulka Gobolka Banaadir tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana uu bilaabay magacaabis iyo xil ka qaadis saameynaya mas’uuliyiinta degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee maamulka gobolka.

Tani waxay muujineysaa dadaalka uu Guddoomiye Muungaab ugu jiro dib u habeynta maamulka iyo kor u qaadidda hufnaanta adeegyada dawladda hoose.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here