Guddoonka Labada Aqal oo Ku Dhawaaqay Xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

0
41

War rasmi ah oo ka soo baxay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in maalinta beri ah oo ku beegan 22-ka Juun 2025 si rasmi ah loo xirin doono Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka, labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa la gelin doonaa fasax rasmi ah, iyadoo la qorsheeyay in Kalfadhiga 7-aad uu dib u furmo 22-ka bisha Agoosto 2025, si dib loogu bilaabo howlaha sharci dejinta iyo waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla Baarlamaanka.

Kalfadhigan lixaad ayaa la sheegay inuu ku dhammaaday xaalad degan, iyadoo xildhibaannadu ay ansixiyeen sharciyo muhiim ah, doodna ka yeesheen arrimo qaran oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, dib u habeynta dastuurka, iyo doorashooyinka dalka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ku booriyay in mudada fasaxa ah ay u adeegaan danaha shacabka, isla markaana ay ka qeyb qaataan wacyigelinta bulshada ee ku aaddan xasilloonida iyo midnimada dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here