DEGDEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Codsaday Kulan la yeesho Mucaaradka, Midowga Mucaaradka oo Weli Go’aan ka Gaarin

0
59

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu si rasmi ah u codsaday kulan uu la yeesho madaxda waaweyn ee mucaaradka Golaha Samatabixinta Qaranka.

Codsiga Madaxweynaha ayaa yimid iyadoo mucaaradka ay caawa shir xasaasi ah ku yeesheen guriga Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay si qoto dheer uga doodeen su’aasha ah: in la aqbalo iyo in la diido kulanka Villa Somalia codsatay. Ilo ku dhow shirka ayaa sheegay in la isku mari waayey aragtida mucaaradka, waxaana lagu ballamay in kulamo kale oo go’aan kama dambeys ah lagu gaaro la isugu yimaado maalmaha soo socda.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa dhammaantood kasoo qeyb galay kulanka mucaaradka. Dhinaca kale, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa isna u diray mucaaradka casuumaad rasmi ah, isaga oo ku baaqay in shir gaar ah lagu qabto Garoowe.

Kulanka Madaxweyne Xasan uu codsaday ayaa kusoo beegmaya xilli uu dhowaan Muqdisho kusoo xiray gogol siyaasadeed oo uu fidiyey, balse aanay ka qeyb galin madaxda mucaaradka ee caawa shiraya. Villa Somalia waxay daneynaysaa in kulan fool-ka-fool ah la qabto si loo sii amba-qaado dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa horumarka arrintan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo haddii mucaaradku aqbalaan kulanka Villa Somalia, ama haddii ay diidaan.

La soco wixii kusoo kordha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here