DEGDEG: Iran oo si kulul uga jawaabtay hadallada Maraykanka iyo Israel – digniin culus oo laga diray Tehraan

0
42

Tehran, Juun 18, 2025 – Dowladda Iran ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga falcelisay hadallada hanjabaadda ah ee kasoo baxayay Mareykanka iyo Israa’iil, kuwaasoo la xiriira wararka sheegaya isku day dil oo loo qorsheeyay hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

Qoraal adag oo kasoo baxay Xukuumadda Iran ayaa lagu yiri:

“Haddii Donald Trump uu oggolaado weerar ka dhan ah Ayatollah Khamenei, waxaa qarxi doonta duufaan ba’an oo baabi’in doonta dhammaan kuwii fuliyay dambigaas iyo cid kasta oo taageertay.”

Digniintaas ayaa loo fasirtay mid Iran uga digeyso fal kasta oo militari ama qarsoodi ah oo lagu bartilmaameedsado hogaamiyaha ugu sarreeya dalkaas, waxaana ay muujinaysaa heerka ay gaarsiisan tahay xiisadda sii kululaaneysa ee gobolka.

Maraykanka iyo Israa’iil weli kama aysan jawaabin hadalkan rasmi ah ee ka yimid Tehraan, balse khuburada amniga gobolka ayaa sheegay in tani ay noqon karto bilaabashada wejigii labaad ee dagaalka hoos u qarsoon ee u dhexeeya Iran iyo xulafada reer galbeedka.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa jawaabta ay ka bixiyaan Maraykanka iyo Israa’iil, iyo tallaabo kasta oo milatari oo laga yaabo inay ka dhalato xiisaddan cusub.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here