Muqdisho, Juun 18, 2025 – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane Mustafa Duhulow, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka cusub ee hay’adda, kaasoo noqonaya tubta cusub ee lagu hagayo howlaha maamul iyo adeeg ee Hay’adda.
Qaab-dhismeedkan cusub ayaa lagu saleeyay wadashaqeyn dhow oo ka dhexeysay Agaasinka Waaxyaha kala duwan iyo la-taliyeyaal farsamo oo ku takhasusay dib-u-habeynka hay’adaha dowladda. Waxa uu tilmaam cad ka bixinayaa jihada cusub ee maamulka HSJ, isagoo si gaar ah u qeexaya kala hagidda waaxyaha, laamaha, iyo horumarinta adeegyada ay hay’addu siiso muwaadiniinta.
Qaab-dhismeedkan ayaa dhabbaha u xaaraya:
• In si hufan oo caddaalad ah loo maareeyo howlaha hay’adda.
• In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo waxqabadka shaqaalaha.
• In la dhiso nidaam maamul casri ah oo la jaanqaadaya horumarka teknolojiyadda iyo baahida bulshada.
Mudane Mustafa Duhulow ayaa sheegay in qaab-dhismeedkan cusub uu saldhig u noqon doono qorshaha dib-u-habeynta hay’adda, isagoo lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah sida:
• Soo saarista baasaboorka
• Maamulka dal-ku-galka
• Bixinta jinsiyadda
• Ilaalinta iyo sugidda xuduudaha dalka
Ujeeddada laga leeyahay qaab-dhismeedkan waa in la dhiso hay’ad adag oo si xirfad leh u shaqeysa, lana jaanqaadi karta dalalka horumaray marka la eego adeegyada muwaadiniinta.