Xili sacadihii lasoo dhaafay ay soo baxeen warar ku saabsan inuu fashil ku soo dhamaaday shirka madasha qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socda madaxtooyada Villa Somalia, ayaa waxa durbo digniino culus soo saaray xubnaha Mucaaradka Dowladda ee kala Xasan Cali Kheyre, Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, kuwaasi oo ka digay in muddo kororsi in ay sameysato dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u caddaynaynaa in aanan marnaba aqbali doonin muddo-kororsi aan shalay ka diidnay Madaxweynihii hore, waddo kasta oo sharci ahna ku hor istaagi doonno damaca uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku hoosaasinayo shacabka, isaga oo adeegsanaya kalimad xaq ah oo ah doorasho qof iyo cod ah, laakiin uu ku doonayo baadil ah muddo-kororsi, taasoo ah taatiko uu ku soo hungoobay Madaxweynihii uga horeeyay xukunka, isaguna hore noola diiddanaa, ayaa lagu yiri qoraalka mucaaradka.
Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka.