DEG-DEG: Askari ka tirsan ciidanka dharcadka oo toogtay qof shacab ah degmada Dharkenley

0
20

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka dharcadka uu hadda toogasho ku dilay qof shacab ah, xilli uu marayay agagaarka Laamiga Dhuxusha.

Qofka la toogtay ayaa la sheegay inuu watey mooto nooca loo yaqaan Feykon, waxaana falkaasi argagax iyo cabsi ku abuuray dadka deegaanka.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in askarigu si lama filaan ah u riday rasaasta, taasoo sababtay dhimashada marxuumka. Ilaa hadda lama oga sababta keentay toogashada, mana jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka.

Waxaa socda baaritaanno la xiriira dhacdada, iyadoo dadku ay dalbanayaan in cadaaladda la horkeeno askariga dilka geystay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here