Garoowe – Baarlamaanka Puntland ayaa si rasmi ah ugu daray ajandahooda kalfadhiga cusub qodob muhiim ah oo ah la-xisaabtanka xukuumadda, taasoo calaamad u ah in hay’adaha dastuuriga ahi bilaabayaan dhaqan-galka waajibaadkooda xilligan xasaasiga ah.
Qodobkan oo laga dareemayo kulamada hordhaca ah ee Baarlamaanka ayaa waxaa si gaar ah isha loogu hayaa suurtagalnimada in Baarlamaanku u yeedho Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, si su’aalo toos ah looga weydiiyo arrimo la xiriira:
• Maamulka maaliyadda iyo dakhliga gudaha
• Hab-raaca doorashooyinka Puntland
• Xaaladda amniga iyo xiriirka dawladda federaalka
• Saameynta isbeddellada siyaasadeed ee gobollada dalka
Inkasta oo Baarlamaanka Puntland marar hore la xisaabtan la sameeyay wasiirro iyo agaasimeyaal, haddana su’aasha weyn ee dadweynuhu is weydiinayaan waa: “Mala arki doonaa Baarlamaanka oo u yeedhaya Madaxweynaha laftiisa?”
Tani haddii ay dhacdo, waxay noqon doontaa mid ka mid ah dhacdooyinka siyaasadeed ee ugu miisaanka culus Puntland sanadkan 2025, waxayna dhabar-jab siyaasadeed ku noqon kartaa madaxda aan diyaar u ahayn in ay la xisaabtamaan shacabka ay matalaan.