Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay gacanta ku dhigeen nin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Hassan Atar, kaasoo la sheegay inuu ka tirsanaa dagaalyahannada kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari.
Ninkan ajnabiga ah ayaa lagu qabtay howlgal gaar ah oo ay ciidamada Puntland ka fuliyeen Buuraha Calmiskaat, halkaas oo muddooyinkii u dambeeyay ay saldhigyo ka samaysteen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya. Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, Hassan Atar wuxuu ka mid ahaa xubnaha shisheeye ee kooxdaasi u qaabilsanaa dhinacyada tababarka, farsamada iyo xiriirka shabakadaha dibadda.
Taliyaha qaybta ciidamada Puntland ee gobolka Bari ayaa sheegay in qabashada Hassan Atar ay tahay guul weyn oo muujinaysa sida Puntland ugu heelan tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee halista ku haya amniga gobolka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.
“Ninkan wuxuu ahaa ajnabi, wuxuuna lahaa aqoonsi cad oo muujinaya inuu asal ahaan kasoo jeedo dalka Turkiga. Wuxuu qeyb ka ahaa abaabulka kooxdan, waxaana hadda lagu hayo baaris adag oo ay wadaan hay’adaha ammaanka Puntland,” ayuu yiri sarkaal sare oo katirsan ciidamada ammaanka.
Sidoo kale, saraakiisha ammaanka waxay tilmaameen in ay jiraan xog ururin dheeraad ah oo la xiriirta xubno kale oo ajnabi ah oo la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin buuraleydaasi, taasoo keentay in la kordhiyo howlgalka milatari ee ka dhanka ah kooxda Daacish.
Qabashada Hassan Atar ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Puntland ay muddooyinkan wajaheyso dagaallo culus oo lagula jiro kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo isku dayaya inay saldhigyo ka dhigtaan deegaannada buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Dowladda Puntland waxay ka codsatay shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, kana qeyb qaataan dadaallada lagu ciribtirayo argagixisada, waxayna sheegtay in wixii faahfaahin ah ee la xiriira ninkan ajnabiga ah la la wadaagi doono shacabka marka baarista dhameystiranto.