Gogoshii Wadatashiga Qaranka ee uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh oo si rasmi ah uga furmaysa Muqdisho berri

0
43

Gogoshii wadatashiga qaran ee uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in si rasmi ah ay uga furanto magaalada Muqdisho maalinta berri oo ku beegan Isniin, 16-ka Juun 2025.

Shirkan wadatashi ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo dibadda, kuwaas oo ka socda qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Diyaar garowgii ugu dambeeyay ee shirka ayaa haatan maraya heer gebogebo, waxaana howlahaas wado guddi gaar ah oo ay Dowladda Federaalka u xil saartay qabanqaabada iyo taaba-gelinta madasha.

Ujeedada gogoshan ayaa ah in hoggaanka dalka uu wadatashi la yeesho indheergaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si looga doodo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, oo ay ka mid yihiin:

• Midnimada dalka

• Amniga

• Dhammeystirka Dastuurka

• Hannaanka Doorashooyinka

Tallaabadan uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu doonayaa in lagu xoojiyo isu-tanaasulka siyaasadeed iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo maamul goboleedyada, xilli dalka uu wajahayo caqabado siyaasadeed iyo khilaafaad gudaha ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here