DEG-DEG: Madaxweynaha Puntland oo ka Digay Halis Ka Dhalan Karta Dagaalkii Raskambooni, una Muujiyey Taageero Jubbaland

0
58

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay deegaanka Raskambooni ee Jubbaland, isaga oo ku tilmaamay mid halis gelinaya xasilloonida iyo midnimada dalka, isla markaana soo celin kara xasuusta madow ee dagaalladii sokeeye ee dalka burburka u horseeday.

Madaxweyne Deni ayaa si cad u dhaliilay isticmaalka ciidanka qaranka si loo farageliyo maamulka Jubbaland, taas oo uu ku sheegay siyaasad aan laga fiirsan oo dhaawac u geysan karta nidaamka federaalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Soomaalidu waa dad aan isku awood sheegan karin, cid cid kale wax kama bedeli karto. Dadka waxaa laga rabaa in ay maamulka deegaankooda uga dambeeyaan talada,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Wuxuu sheegay in Puntland ay ka xuntahay qaabka wax u socdaan, isla markaana ay u aragto faragelinta ay wado Dowladda Federaalka mid wiiqeysa kalsoonida iyo wada-shaqeynta dowlad goboleedyada.

Puntland waxay si rasmi ah u shaacisay taageerada ay u hayso Jubbaland, iyadoo uga digtay Dowladda Federaalka in ay ka waantoobto dagaalka iyo faragelinta siyaasadeed ee ka dhanka ah Jubbaland, kuna baaqday in khilaafaadka lagu dhameeyo wadahadal iyo heshiis siyaasadeed.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xaalad kacsan ay ka jirto gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo dagaal culus uu sababay dhimasho, barakac iyo cabsi laga qabo in uu furo bog cusub oo colaadeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here