WAR DEG-DEG AH – MADAXWEYNE DENI OO KU BOOGAADIYAY MADASHA MUCAARADKA IN AY QAATEEN FIKRADDII PUNTLAND

0
41

Maamulka Puntland ayaa si weyn u soo dhoweeyay go’aannada iyo aragtiyada ay dhawaan shaaciyeen Madasha Mucaaradka Heer Federaal, kuwaas oo ku saleysan qodobbo ay Puntland horey ugu dooday.

War rasmi ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu ku faraxsan yahay in aragtiyaha ay muddo dheer u ololeynayeen – sida dib-u-eegista nidaamka federaalka, awood qeybsiga cadaaladeysan, iyo dhismaha dowlad loo dhan yahay – ay hadda si muuqata ugu soo baxayso hadallada iyo go’aannada Madasha Mucaaradka.

Maamulka Puntland wuxuu tilmaamay in tani ay caddeyn u tahay in la gaaray heer garasho siyaasadeed oo midaysan, taasoo fursad siin karta dib-u-habeyn qaran oo dhab ah.

Sidoo kale, Puntland waxay mar kale ku celisay in ay diyaar u tahay in ay kaalin mug leh ka qaadato wadahadallada iyo heshiisyada siyaasadeed ee horseedi kara dowladnimo loo dhan yahay oo ku dhisan cadaalad, kalsooni iyo wax wadaag.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here