Iran oo Gantaal Hypersonic Ah Ku Garaacday Israa’iil Caawa

0
56

xiisadda milatari ee u dhexeysa Iran iyo Israa’iil waxay gashay heer cusub, kaddib markii Iran ay adeegsatay gantaal Hypersonic ah, mid ka mid ah hubka ugu halista badan ee casriga ah.

Gantaalkan oo loo maleynayo inuu yahay nooca Fattah-2 Hypersonic, wuxuu leeyahay awood uu ku jari karo masaafo dhan in ka badan 6,100 kiiloomitir saacaddii, taasoo ka dhigeysa mid aad uga dheereeya gantaallada caadiga ah.

Khubarada milatariga ayaa sheegaya in gantaalka Hypersonic:

• Uusan si fudud loogu burburin karin hawada dhexdeeda

• Uu leeyahay xoog badan oo qarax

• Uu leeyahay awood leex-leexasho, taasoo adkeyneysa in la ogaado jihadiisa saxda ah

• Islamarkaana uu yahay mid aad ugu adag difaacyada cirka ee hadda la adeegsado

Gantaalkan ayaa lala beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Israa’iil, taasoo muujinaysa in dagaalku u gudbay heer cusub oo xasaasi ah.

Tani waxay calaamad cad u tahay in labada dal ay hadda adeegsanayaan hubka tiknoolajiyadda sare leh, taas oo si weyn u kordhineysa halista dagaal ballaaran oo saameeya guud ahaan gobolka iyo dunidaba.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa dhacdooyinka cusub, iyadoo idiin soo gudbin doonta xog rasmi ah iyo falanqeyn qoto dheer.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here