Dagaal fool-ka-fool ah oo ay ku jiraan weerarro cirka ah, gantaallo casri ah iyo duqeymo is-daba joog ah ayaa caawa ka socda Bariga Dhexe, iyadoo labada dal ee awoodda leh, Iran iyo Israa’iil, ay galeen wajigii ugu kululaa ee dagaalkooda muddo sannado ah.
Xubno sirdoon u dhow xukuumadda Iran ayaa xaqiijiyay in Israel ay duqeyn culus la beegsaday xarunta kaydka milatari ee Shahran, oo ku taalla gudaha caasimadda Tehran. Weerarkaasi ayaa sababay dab weyn iyo qaraxyo is-xigxigay, waxaana lagu soo waramayaa inuu holac xooggan ka kacay qeybaha dhexe ee xarunta.
Dhanka kale, Iran ayaa hore u qaaday weerar xagga cirka ah oo ay boqolaal gantaal kusoo tuurtay magaalooyin badan oo ku yaalla gudaha Israa’iil. Gantaalahaas oo ay ka baxayaan olol iyo uuro ayaa lala beegsaday afar magaalo oo ay ku jirto caasimadda Tel Aviv, iyadoo shacabka ay si ba’an ugu cararayaan goobo ammaan ah.
Ciidamada difaaca labada dal ayaa la geliyay heegan buuxa, iyadoo hawada sare ee gobolka laga dareemayo dhaqdhaqaaq xooggan oo milatari. Tani waxay noqotay dagaalkii ugu tignoolajiyad sarreeyay ee labada dal dhexmaray muddo tobanaan sano ah, waxaana aad u kordhay cabsi laga qabo in dagaalku u gudbo heer caalami ah.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ay socdaan abaabulo milatari oo ka baxsan labada dal, iyadoo beesha caalamka ay si dhow ula socoto xaaladda cakiran.