Xaaladda dagaal ee u dhexeysa Iran iyo Israa’iil ayaa caawa si toos ah u qaraxday, kaddib markii Iran ay qaaday weerar baaxad leh oo gantaallo culus ah ku dhufatay gudaha Israa’iil. Goobjoogayaal iyo warbaahin maxalli ah ayaa soo sheegaya in boqolaal madfac ay si is-daba joog ah ugu soo dhaceen ugu yaraan afar magaalo oo waaweyn, halkaas oo ay ka dhasheen dab iyo qaraxyo culus.
Gantaalaha oo ay ka baxeysay olol iyo uuro madow ayaa u muuqday kuwo si xawli ah hawada uga soo dhacaya, waxaana muuqaaladooda laga arkayay kamaradaha ammaanka iyo dadka deegaanka oo si ba’an u cararaya.
Warbaahinta dowladda Iran waxay sheegtay in weerarkani yahay “farriin cad oo laga bixiyay xadgudubyadii Israa’iil”, balse ilaa hadda Israa’iil kama aysan bixin war rasmi ah. Si kastaba ha ahaatee, difaaca cirka ee Israa’iil ayaa la sheegay in uu howlgab noqday daqiiqado kadib markii tiro badan oo gantaallo ah ay si is-daba joog ah u dhacayeen.
Ciidamada difaaca Israa’iil iyo adeegyada gurmadka degdegga ah ayaa si wayn uga howlgalaya goobaha la beegsaday, iyadoo xaaladda la geliyay feejignaan heer qaran ah