DEG-DEG: Iran iyo Lubnaan oo si isku dhow u joojiyey dhammaan duulimaadyadii rayidka – Xiisad dagaal oo cirka isku shareertay

0
51

Dowladda Iran ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in la joojiyay dhammaan duulimaadyada rayidka, iyadoo laga baqayo weerarro cusub ama duqeymo ka dhan ah magaalooyinka muhiimka ah ee dalka.

Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan weerarrada is-dhaafsiga ah ee u dhexeeya Iran iyo Israel, kuwaasoo gaaray heer la saadaalinayo in dagaal toos ah oo buuxa qarxi karo.

Daqiiqado kaddib go’aanka Iran, dowladda Lubnaan oo xuduud la leh Israa’iil, ayaa isna si degdeg ah u joojisay duulimaadyadii rayidka ee gudaha iyo dibadda, arrintaas oo muujineysa in xaalad amni darro ay si degdeg ah uga taagan tahay guud ahaan Bariga Dhexe.

⚠️ Maxaa laga cabsi qabaa?

• In Israel ay bilaabayso weerarro ballaaran oo dhanka cirka ah.

• In Iran ay soo rideyso gantaallo kale ama ay xoojiso weerarradeeda.

• In dagaalka uu gaari karo dalka Lubnaan – halkaas oo kooxda Xisbullah saldhigyo ku leedahay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here