IRAN oo Soo Bandhigtay Duuliye Israa’iili ah oo Nolol Lagu Qabtay

0
74

War lama filaan ah oo ka yimi dhanka Iran ayaa muujinaya in dowladda Iran ay soo bandhigtay sawirrada duuliye Israa’iili ah oo nolol lagu qabtay, kadib markii diyaaradii uu waday lagu riday hawada sare ee Iran.

Duuliyaha la qabtay ayaa lagu magacaabaa Sara Ahranout, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa laba qof oo saarnaa diyaarad dagaal oo Israel leedahay, taasoo ay soo rideen nidaamyada difaaca Iran.

Warar ka imaanaya ilaha ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegaya in diyaaradda markii ay qaraxday uu duuliyuhu ka booday isagoo isticmaalaya baarashuut, ka hor inta aan laga qaban dhulka.

Warbaahinta dowladda Iran ayaa baahisay sawirro muujinaya duuliyaha oo xiran dhar ciidan islamarkaana la ilaalinayo, iyadoo la xaqiijiyay in xaaladdiisu caafimaad tahay.

Qabashada duuliyahan isagoo nool ayaa loo arkaa mid ceeb weyn ku ah Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, maadaama ay tani tahay duuliyihii ugu horreeyay ee Israel ah oo nool lagu qabto muddo sanado ah.

Iran ayaa si weyn u buunbuunisay dhacdadan, iyagoo ku tilmaamay “guul difaac oo muujineysa awoodda tiknoolojiyadda Iran.”

Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in qofkii labaad ee saarnaa diyaaradda laga yaabo inuu ku dhintay qaraxa, ama aan weli la helin. Dowladda Iran ma aysan xaqiijin in qof kale oo la qabtay jiro.

• Dowladda Israel weli si rasmi ah ugama aysan hadlin aqoonsiga duuliyaha la qabtay.

• Dadka falanqeeya arrimaha milatariga ayaa ka digaya in Israel ay jawaab adag bixiso maalmaha soo socda.

Qabashada duuliye Israa’iili ah oo nool ayaa noqon karta isbeddel weyn oo ka dhex dhaca xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Israel. Tani waxay dhaawac weyn ku tahay sumcadda ciidamada Israel, waxayna sare u qaadday culayska dagaal ee gobolka.

RNN Somali TV waxay si joogto ah ula socon doontaa arrintan, waxayna idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay marka ay xaqiijismaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here