Madaxweyne Qoor-Qoor: Soomaaliya Dagaal Beeleed Waa Laga Wada Maray

0
44

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa sheegay in dagaallada u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed ay yihiin dhibaato guud oo ka jirta dalka oo dhan, balse uu xusay in deegaano gaar ah oo Galmudug ka tirsan ay ka jiraan colaadyo daba-dheeraaday oo muddo ka badan 50 sano ah socday.

“Meel Soomaaliya ka mid ah oo uusan dagaal beeleed ka dhicin majiro,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor. “Laakiin deegaanada qaar ee Galmudug, dagaaladu waxay noqdeen kuwo jiilba jiil u gudba.”

Hadalkan ayaa imaanaya xilli maamulka Galmudug uu wadaa dadaallo cusub oo lagu xallinayo colaadaha beeleed ee soo jireenka ah, gaar ahaan kuwa ka dhaca gobollada dhexe, kuwaas oo caqabad ku noqday horumarka, nabadda iyo dib u dhiska dowladnimada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here