Nin Ganacsade ah oo Lagu Dilay Gobolka Mudug

0
86

Nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Ceynaanshe Xashi, kana mid ahaa dad ku hawlanaa qodista ceel biyo-xireen ah, ayaa lagu dilay deegaanka Afbarwaaqo ee gobolka Mudug.

Dilkan ayaa loo geystay ganacsadaha ayada oo ay fuliyeen rag hubeysan, kuwaas oo durbadiiba goobta ka baxsaday. Ciidamada ammaanka ayaa wali ku raad jooga dambiilayaasha si loo soo qabto.

Dagaallada iyo colaadaha ka dhaca gobolka Mudug waxay inta badan salka ku hayaan isku dhacyada la xiriira daaqa, ceelasha biyaha iyo aargoosi qabiil oo ka dhashay dhacdooyin hore oo aan si rasmi ah loo xallin. Hubka sida sharci darrada ah ugu jira gacanta shacabka ayaa door weyn ka ciyaara hurinta iyo sii socoshada colaadahaasi.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here