Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Si Rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Hoose ee Sannad Dugsiyeedka 2024–2025

0
203

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Hoose ee sannad dugsiyeedka 2024–2025. Imtixaankan ayaa waxaa ka qaybgalaya 41,639 arday oo ka kala yimid dhammaan degmooyinka gobolka.

Munaasabadda furitaanka imtixaanka ayaa ka dhacday mid ka mid ah xarumaha imtixaanka, waxayna calaamad u tahay sanadkii 6aad oo ay Maamulka Gobolka Banaadir si madaxbannaan u qabanqaabinayaan imtixaanka qaran ee dugsiyada hoose. Tani waxay muujinaysaa sida maamulka gobolka ugu heelan yahay horumarinta tayada waxbarashada iyo xoojinta isla xisaabtanka nidaamka waxbarashada ee gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku booriyey ardayda inay muujiyaan daacadnimo, dadaal, iyo akhlaaq wanaag inta lagu jiro muddada imtixaanka.

Sidoo kale, Guddoomiye Muungaab ayaa amray in si buuxda loo xiro dhammaan xarumaha waxbarashada ee ku yaalla Gobolka Banaadir inta lagu jiro muddada imtixaanka, si loo hubiyo hufnaanta, amniga, iyo in ardaydu si nabad ah u galaan imtixaankooda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here