Abiy Axmed oo ka hadlay caloolxumada Itoobiya ka haysata maqnaanshaha marin badeed muddo 30 sano ah

0
184

Addis Ababa, 8 Juun 2025 — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa si qiiro leh uga hadlay xaaladda badda la’aanta ee dalkiisa, isagoo sheegay in muddo ka badan 30 sano ay Itoobiya ka maqneyd marin badeed, taasoo uu ku tilmaamay caloolxumo weyn iyo caqabad horumarineed oo taagan.

Abiy Axmed ayaa yiri: “Waxaa caloolyaw iyo murugo igu haysa in Itoobiya ay in ka badan 30 sanno bad la’aan tahay.” Wuxuu hadalkan jeediyay isagoo si cad u muujinaya sida ay muhiimka u tahay in Itoobiya ay hesho marin rasmi ah oo badeed ah, taasoo ahmiyad gaar ah u leh kobcinta dhaqaalaha, isgaarsiinta ganacsiga, iyo xiriirka caalamiga ah.

Itoobiya, oo ah waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika, ayaa ah dal aan badda lahayn tan iyo markii ay lumisay dekedii Asmara ee Eritrea kadib burburkii xiriirka labada dal dabayaaqadii 1990-meeyadii. Ilaa xilligaas, Itoobiya waxay si buuxda ugu tiirsaneyd dekedda Jabuuti, taasoo hadda ka badan 90% ka dhoofisa iyo ka soo dejisa badeecadaha dalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku xoojiyay muhiimadda ay leedahay in la helo xal waara oo Itoobiya ay ugu heli karto marin badeed rasmi ah — iyada oo loo marayo iskaashi dhanka diblomaasiyadda ah, nabadgelyo, iyo horumar guud oo gobolka dhan wada gaaro.

Hadalka Abiy Axmed wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Itoobiya iyo wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya, Jabuuti, iyo Eritrea, kuwaasoo la xiriira marin badeed iyo maalgashi istiraatiiji ah. Sidoo kale, waxaa jira walaac laga qabo sida arrintani u saameyn karto xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Hadalka hoggaamiyaha Itoobiya wuxuu dib u soo celinayaa dood culus oo ku saabsan siyaasadda marinada badda ee gobolka, iyo weliba mustaqbalka xiriirka dalalka dariska ah, iyadoo laga duulayo baahida dhabta ah ee dal aan badeed lahayn uu u qabo marin xor ah oo uu ka faa’iideysto.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here