Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo si adag ugu hanjabay Elon Musk

0
95
{"data":{},"exportType":"image_export","source_type":"vicut","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"source_type":"vicut","capability_name":"retouch_edit_tool","picture_template_id":"","client_key":"aw889s25wozf8s7e"}","pictureId":"46354C31-5385-44DF-9396-1199AF434E8D","editType":"image_edit"}

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si kulul ugu hanjabay maalqabeenka tiknoolajiyadda ee Elon Musk, isagoo uga digay inuu wajihi doono “cawaaqib culus” haddii uu isku dayo inuu ciqaabo xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee taageersan hindise sharciyeedka miisaaniyadda dowladda, kaasoo muran badan dhaliyay.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay waraysi uu siiyay mid kamid ah warbaahinta gudaha Mareykanka, xilli khilaafka u dhexeeya labada nin ee ugu saameynta badan dunida uu gaaray heer cusub toddobaadkan, iyadoo indhaha dadweynuhu si weyn isugu dhigeen.

Xiisaddan siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay Khamiistii, kadib markii Elon Musk si adag u cambaareeyay hindisaha miisaaniyadeed ee uu Trump ku tilmaamay “mid weyn oo qurux badan,” kaasoo haatan horyaalla Golaha Wakiillada Mareykanka.

Qaar kamid ah xubnaha Congress-ka oo kasoo horjeeda sharcigan ayaa ugu baaqay Musk — oo horey u ahaa taageere weyn oo dhaqaale ahaan u garab istaagay xisbiga Jamhuuriga — inuu maalgeliyo musharraxiin cusub oo doorashooyinka hordhaca ah kula tartama kuwa taageersan sharcigaasi.

Madaxweyne Trump oo si cad uga jawaabayay arrintaasi ayaa yiri:

“Wuxuu wajihi doonaa cawaaqib culus haddii uu sidaas sameeyo.”

Wuxuuna Musk ku tilmaamay “qof aan lahayn xushmad.” Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan faahfaahin waxa ay noqon doonaan cawaaqibta uu sheegay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay inuusan haba yaraatee dan ka lahayn hagaajinta xiriirka kala dhexeeya Elon Musk — madaxa shirkadaha Tesla iyo SpaceX — isagoo si cad u sheegay inuusan qorsheynayn inuu la xiriiro mar kale.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here