Dagaal Beeleed Kale oo Khasaaro Geystay ka Qarxay Deegaanka Galinsoor”

0
80

Wararka laga helayo deegaanka Galinsoor ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen rag geeley ah oo ku sugnaa aagga Deeqla iyo Galgalad, taasoo keentay geerida 9 ruux iyo dhaawaca 12 kale.

Sida laga soo xigtay dadka deegaanka, khasaaraha dhabta ah ayaa laga yaabaa inuu ka badan yahay tirada hadda la xaqiijiyay, maadaama dagaalku uu weli ka socdo goobaha weerarku ka dhacay.

Weerarkan ayaa loo arkaa inuu salka ku hayo khilaafaad beeleed hore u jiray, iyadoo xusid mudan in mudooyinkii u dambeeyay dirir beeleed ay marar badan ka dhacday aaggaasi, gaar ahaan maleeshiyaad kasoo kala jeeda magaalooyinka Galinsoor iyo Cabudwaaq.

Wararka deegaanka waxay intaas ku darayaan in dadka deegaanka ay walaac xoogan ka muujiyeen sii socoshada colaadahan, iyagoo codsanaya in maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe ay si degdeg ah u dhexgalaan si loo joojiyo dagaalka una laabto xal nabadeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here