Wasiirka Caafimaadka Kenya Aadan Barre Ducaale oo Masaajid Weyn Waqaf uga Dhigay Waalidiintiis

0
63
{"source_type":"vicut","pictureId":"EFB22976-D817-4F34-B799-D664563134E1","data":{},"tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","picture_template_id":"","source_type":"vicut","capability_name":"retouch_edit_tool"}","exportType":"image_export","editType":"image_edit"}

Gaarisa, Kenya – Wasiirka Caafimaadka ee dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa dhisay masaajid weyn oo uu waqaf ahaan ugu hibeyay waalidiintiis, si loogu duceeyo looguna xasuusto ajar joogto ah.

Masaajidkan oo laga dhisay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari, ayaa xarigga laga jaray xaflad weyn oo ay ka qeybgaleen culimada ugu caansan Kenya, oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Xasan Shibli iyo culimo kale oo bulshada Muslimiinta ah si weyn looga yaqaan.

Xafladda furitaanka ayaa lagu muujiyay mahadnaq iyo bogaadin ku aaddan tallaabada kheyrka ah ee uu qaaday wasiir Ducaale, iyadoo culimada ay xuseen in waqafka noocan oo kale ah uu yahay mid sii xoojinaya dhaqanka samafalka iyo xurmeynta waalidiinta ee Islaamka.

Masaajidkan ayaa loo arkaa inuu yahay mid kamid ah masaajidda ugu casrisan gobolka, islamarkaana uu kaalin muuqata ka qaadan doono horumarinta dacwada iyo barbaarinta diinta Islaamka ee deegaanka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here