Ciidamada ammaanka Puntland ayaa kusoo bandhigay furimaha hore ee dagaalka saanad militari oo ay sheegeen in ay ka furteen kooxda Daacish, kadib hawlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari.
Saanadda la soo bandhigay ayaa ka kooban hub fudud, rasaas iyo qalab kale oo ciidan, waxaana lagu soo bandhigay meel u dhow aagga ay ka socoto howlgallada ay Puntland kula jirto kooxaha xagjirka ah ee ku dhuumaaleysanaya gobolkaas.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo ka hadlay goobta bandhigga ayaa sheegay in saanaddan ay tahay mid muhiim u ahayd kooxda Daacish, balse ay isaga tageen markii ay dareemeen dhaq-dhaqaaqa ciidanka.
Wuxuu sidoo kale xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada Puntland ku doonayso in lagu sifeeyo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraha Cal Madow iyo dhulka u dhow.
Taliska ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada, isla markaana ay muhiim tahay in shacabka deegaanadaasi ay gacan ka siiyaan sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
