Aroornimadii saaka ayaa lix madfac oo hoobiye ah lagu garaacay gudaha xarunta Xalane ee ku taalla magaalada Muqdisho, halkaas oo ah xarun si weyn loo ilaaliyo oo ay degan yihiin safaarado, hay’ado caalami ah iyo qeyb ka mid ah ciidamada ATMIS. Ilaa iyo hadda wax khasaare ah lama soo sheegin, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Weerarkan ayaa noqonaya kii lixaad ee Xalane lagu qaado muddo lix bilood gudahood ah, taasoo sare u qaaday walaaca amni ee ka taagan xaruntaas muhiimka ah.
Duqeyntii ugu dambeysay ee sidan oo kale ah oo lagu beegsaday Xalane, ayaa sababtay gubashada gawaari ay lahayd Qaramada Midoobay, taasoo horseeday burbur hantiyeed oo muuqda, inkasta oo uusan jirin khasaare naf ahaaneed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan ka gaabsata faahfaahinta weerarada noocan ah, mana jirin war rasmi ah oo ilaa hadda kasoo baxay laamaha amniga ama wasaaradda warfaafinta ee dowladda.
Xalane ayaa ah xarun si weyn loo ilaaliyo, waxaana weerarada noocan ahi muujinayaan in wali jirto halis dhinaca amniga ah, xilli ay socdaan dadaallo loogu jiro xasillooni siyaasadeed iyo amni oo laga hirgeliyo caasimadda.
