Trump: Putin wuxuu ii sheegay arrin cabsi leh

0
68

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si dadban u muujiyay walaac ka dhashay wada-hadal uu la yeeshay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, xilli xaaladda dagaal ee u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine ay cirka isku sii shareerayso.

Trump oo qoraal kusoo qoray baraha bulshada, ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka uu uga warbixiyay weerar ballaaran oo dhawaan Ukraine ay ku qaaday gudaha dalka Ruushka. Wuxuu tilmaamay in inkasta oo wada-xaajoodkaasi ahaa mid muhiim ah oo socday muddo saacad iyo rubuc ah, haddana aysan kasoo bixin is-afgarad degdeg ah oo lagu xallin karo xiisadda colaadeed ee taagan.

Wuxuu sheegay in hawlgalka cusub ee Ukraine, oo lagu magacaabo “Spiderweb,” uu ahaa mid dhabarjab culus ku noqday Ruushka, kadib markii la beegsaday saldhigyo ciidan oo muhiim ah, iyadoo la adeegsanayay diyaarad drones ah oo gaaraya boqollaal.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaasi uu sababay burbur weyn oo gaaray ciidamada Ruushka, iyadoo khasaaraha laga qiyaasay inuu gaarayo ilaa $7 bilyan.

Trump wuxuu xusay in inkastoo xiriirka uu la leeyahay Putin uu yahay mid dhow, haddana uu hadda dareemayo walaac ku saabsan sida xaaladda dagaalka ay marba marka ka dambeysa u kasbanayso khatar hor leh.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here