Dagaallo Cul-culus oo Ka Dhacay Hiiraan Iyadoo Al-Shabaab Ay Qabsatay Deegaanka Xawaadleey

0
104

Hiiraan, Juun 3, 2025 – Waxaa saaka dagaallo xoogan ka qarxay deegaanka Xawaadleey ee gobolka Hiiraan, halkaas oo shalay ay si buuxda ula wareegeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay faarujiyeen saldhigii ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Burundi.

Wararka laga helayo ilo wareedyo deegaanka ah iyo saraakiil amni oo codsaday in aan magacooda la shaacin ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar culus ku qaaday saldhigga Xawaadleey, taasoo sababtay in ciidamada Burundi halkaas ka baxaan iyagoo aan wax dagaal ah gelin. Ilo sirdoon ayaa sheegay in dagaalka shalay dhacay uu ahaa mid qorsheysan, isla markaana kooxda Al-Shabaab ay si fudud ula wareegtay xaruntaasi muhiimka ah.

Diyaarad Helicopter ah ayaa ku dhacday saldhigga Xawaadleey, iyadoo aan wali la xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay. Lama oga in diyaaraddu ahayd mid milatari ama mid gargaar sidday, balse sawirro ay heleen ilo deegaanka ah ayaa muujinaya burbur muuqda oo gaaray qeyb kamid ah saldhigga halkaas ku yaallay.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujineysa in kooxda Al-Shabaab ay hadda yihiin kuwa weerar ku ah gobolka, taasoo muujinaysa isbeddel xagga istiraatiijiyadda ah, kadib bilooyin ay dowladda Federaalka iyo ciidamadeeda xoogga dalka ku jireen hawlgallo ballaaran oo lagu qaadayey fariisimaha Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka deegaanka ayaa cabsi xooggan wajahaya, iyadoo la tilmaamayo in howlgaladii dowladda ay hakad galeen, taas oo fursad siisay kooxda Al-Shabaab si ay dib ugu soo laabtaan qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama howlgalka ATMIS oo ku saabsan qabsashada Xawaadleey iyo dhacdada diyaaradda helicopter-ka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here