Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo laga fuliyay deegaanka Basra oo ah deegaan istiraatiiji ah oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaah Hoose,
Ilo deegaanka kamid ah ayaa inoo sheegay in dhawaaqa duqeymo culus ay maqlayeen, kuwaasi oo gudaha ugu dhacay deegaanka Basra.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeymo qaar ay ku dhaceen saldhigyo ay Al-shabaab ku lee yihiin deegaanka, inkasto aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay geysteen.
Sidoo kale ma jiro war kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo looga hadlay duqeymo diyaraadeed ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe.
