Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay degmada Wadajir

0
36

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro Madaafiic ah oo saakay lagu garaacay  Waaxda Xalane ee degmada Wadajir ee magaalada  Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta afar hoobiye oo qaarkood ay ku dhaceen xeyndaabka Xalane, balse aysan ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Sidoo kale warar kala ayaa sheegaya in qaar kamid ah hoobiyeyaasha inay ku dhaceen guryo ay  dad rayid ah ay deggan yihiin.

Weli laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya, wax faah faahin ah kama aysan bixin khasaaraha dhabta ay ee ay hoobiyeyaasha saakay ay geysteen.

Sikastaba, ma ahan markii ugu horeeysay oo ay kooxda Al-shabaab hoobiyeyaal ku garaacaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here