Golaha Wasiirrada Jubbaland oo Ka Digay Tallaabooyinka Halista ku ah Midnimada Qaranka

0
53

Kismaayo – RNN Somali TV

Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si gaar ah uga digay tallaabooyinka siyaasadeed ee uu wado Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Golaha ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay halis ku yihiin midnimada ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay u muuqdaan kuwo dalka dib ugu celin kara xilli mugdi ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Wasiirrada Jubbaland ayaa lagu sheegay in la dareemayo in dalka lagu wajahayo nidaam kaligii-talis ah, taas oo wiiqeysa heshiiskii siyaasadeed ee lagu dhisay nidaamka federaalka ah ee Soomaaliya. Golaha ayaa si gaar ah uga walaacsan burburinta hannaan wadatashi qaran oo lagu gaari lahaa xal u helidda arrimaha taagan.

Waxay sidoo kale ka digeen faragelinta siyaasadeed ee lagu hayo dowlad-goboleedyada, taas oo dhaawacaysa madax-bannaanidooda iyo wada-shaqeyntii la rabay inay dhex marto dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah.

Golaha Wasiirrada Jubbaland ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda in la ilaaliyo midnimada, wadajirka, iyo dastuurka dalka, si looga hortago dib-u-dhac siyaasadeed iyo khalkhal amni.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here