Shirweynaha Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo Si Rasmi ah Uga Furmay Magaalada Muqdisho

0
47
Screenshot

Muqdisho, 13 May 2025 – Shirweynaha Urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si rasmi ah uga furmay maanta magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeybgaleen siyaasiyiin caan ah, ergooyin kala matalaya gobollada dalka, iyo marti sharaf kale.

Shirweynahan ayaa ah mid taariikhi ah oo lagu ansixin doono Dastuurka rasmiga ah ee Xisbiga, sidoo kalena lagu dooran doono hoggaanka sare ee JSP. Waxaa si weyn loo filayaa in lagu dhawaaqo musharraxa rasmiga ah ee Xisbiga u matali doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, lagu wado in loo doorto Guddoomiyaha Xisbiga, isla markaana uu noqdo musharraxa rasmiga ah ee JSP u tartamaya xilka Madaxtinimada.

Shirweynaha ayaa sidoo kale diiradda saari doona:

• Dejinta aragti siyaasadeed oo mideysan

• Xoojinta is-afgaradka xubnaha xisbiga

• Hagidda doorka JSP ee mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya

Faahfaahin dheeri ah kala soco RNN Somali TV.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here